Maxaa Ka Cusub Kulanka Arsenal 🆚 Liverpool, Shaxaha La Filaaayo, Halkee laga Daawan karaa & Wax Walbo Aad Uga Baahantahay Kulanka.

Arsenal aya sii wadi doonto ciyaarista kulmadeeda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee 2024-2025 ayagoo ku sugan dalka USA.

Arsenal ayaa cawada Saqda-dhexe wajihi doonto kooxda Liverpool oo ay ku wada xifaaltantaan horyaalka Premier League.

Labada kooxood ayaa qaab-ciyaareed fiican soo bandhigay inta lagu guda jiray isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka ceynkaan oo kale ayaa labada tababare u ogolaanaayo in shaxahooda ay bedel ku sameyan ayna dib u dhisaan si ay xagaaga cusub ugu   diyaar-garoowan una soo laabtaan ayagoo awood leh.

5 waxyaabood oo Ciyaarta ka hor u baahan tahay oo mudan inaad ogaato.

1- xog walbo oo ku saabsan labada kooxood 

2- shaxaha la filaaayo in labada kooxood ku soo gali dooonaan.

3- halke laga daawan karaa ciyaarta?

4- Imisa saac ayay ciyaarta soo galeysaa?

5- halkee ciyaarta ka dhici doontaa ?

1- Maxaa ka cusub kooxda Arsenal?

Weli kooxda wax iskama bedelin waxana sii maqnaan doonaan labada difaaca ee kala ah Tomiyasu iy Tierney, tageryashana marnaba labadaan xidiga ciyarta ma filan doonaan.

Warka ay taageerayaashu ku farxayaan ayaa in Riccardo Calafiori ow Squadka Kooxda qeyb ka yahay kooxda kula soo biiray dalka USA waxa uuna ka qeyb qaatay tababarka ka hor kulanka Liverpool waxaana la filayaa in ciyaartaan ow dheelo.

Declan Rice, Aaron Ramsdale, Bukayo Saka, David Raya and William Saliba ayaa weli kooxda ka maqnaan doonaan ayagoo ku maqan fasax kadib Euro.

1- Maxaa ka cusub kooxda Liverpool?

Alexis Mac Allister, Alisson Becker, Luis Diaz and Darwin Nunez ayaa weli ku maqnaan doonaan fasaxooda kadib Copa America.

Sidoo kale Cody Gakpo, Virgil van Dijk, Ryan Gravenberch, Ibrahima Konate, Trent Alexander-Arnold and Joe Gomez ayaa weli ayagana ku maqnaan doonaan fasaxooda kadib Euro sidaas darteed ciyaartaan qeyb kama ahan.

Curtis Jones ayaa laga yaaba in ow ciyaartaan keydka soo fariisto kadib dhawac ow kulmada   pre-season ku maqnaay.

2- Shaxda la filaayo in Arsenal ay ku soo gasho.

Hein, White, Timber, Gabriel, Calafiori, Partey, Nwaneri, Odegaard, Nelson, Jesus, Martinelli.

2- Shaxda la filaayo in Liverpool ay ku soo gasho.

Kelleher, Bradley, Quansah, Van den Berg, Tsimikas, Endo, Morton, Salah, Szoboszlai, Elliott, Jota.

3- Halkee laga daawan karaa ciyaarta             Arsenal 🆚 Liverpool ?

Waxaa si toos ah looga daawan kara poga Arsenal ee Arsenal.com, sidoo kale LFC TV GO, iyo fubo TV.

4- Ciyaarta ayaa soo gali doonta 2:30 AM habeenimo marka ay ka tahay Somalia.

5- Ciyaarta Arsenal 🆚 Liverpool ayaa ka dhici doonto garoonka Lincoln Financial Field ee dhaca Philadelphia.

Ugu dambeyntii Maxaa lagu saadaaliyay Ciyaarta Arsenal 🆚 Liverpool?

Ciyaartaan ayaa wargaysada badankood libinta kooxda Arsenal siiyay ayagoo ku saadaaliyay in Arsenal ay ku badin doonto 3-1.

Fikirkaga noogu reeb dhanka hoose ee Faalada.



Post a Comment

Previous Post Next Post