Suuqa kala iibsiga xagaagan kooxda Arsenal ayaa labo saxiix oo muhiim ah durbaba gacanta ku Dhigtay ayadoo suuqa ku dhawaad bil uuu ka hadhsanyahay xilliga uu xirmaayo.
Fikirkaga noogu reeb dhanka hoose ee Faalada.
Horyaalka Premier League ayaa furmi dooona
16-ka bisha August waxaana ka hadhsan 19 maalmood.
Kooxda Arsenal ayaa horaantii suuqa kala iibsiga ee xagaagan la saxiixatay gool-haye David Raya kaas oo sanadkii hore kooxda ku joogay amaah.
David Raya ayaa Si rasmi ah ugu biiray kooxda Arsenal qiimo dhan €27M oo genni asigoo ka so wareegay kooxda Brentford.
Sidoo kale kooxda Arsenal ayaa heshiis kale oo muhiim ah dhameystirtay waana daafac reer Italy iyo kooxda Blogna ee Riccardo Calafiori.
Riccardo Calafiori ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Arsenal asigoo tijaabada caafimaad maray waxa uuna saxiixaay heshiis 5 sano kaas oo gaadhaayo ilaa 2029.
Calafiori ayaa kooxda Arsenal kula biiri doono dalka USA Los Angeles halkaas oo ay kooxda iskugu diyaarineyso xilli ciyaareedkeeda cusub ee 2024-2025.
Kooxda Arsenal ayaa diirada saareyso sidii ay ku heli laheyd ciyaariyahan qad-dhexe ah iyo Weeraryahan heer sare ah kaas oo goolal badan dhalin karo xilli ciyaareed walbo qaab ciyaareedkiisana joogteyn karo.
Bartilmaameedka ugu Kooxda Arsenal dhank qad-dhexe waa Mikel Merino, Arteta ayaa u arko xidigaan mid ku soo baxaayo shaxdiisa sidoo kale Merino ayaa ku qancay project-iga kooxda Gunners laakiin weli wax dalab rasmi ah looma gubin kooxda Real Sociedad balse xiisaha Arsenal waa mid dhaba waxaana la filayaa in dalb loo diri doono kooxda Real Sociedad.
Hadii ay kooxda Arsenal ku gacan seerto adeega Mikel Merino waxaa sidoo kale lala xariirinayaa Fabian Ruiz qandaraaskiisa kooxda PSG waxaa uga hadhsan 3 sano, xidigaan ayaanan boos joogto ah kooxda ka heysan asigoo keyd u fadhiyo inkastoo xulka qaranka Spain ow boos joogta ah ka heystay asigoo qaab ciyaareed cajiiba ku soo bandhigay tartankii Euro 2024 ow la qaaday xulkiisa Laroja.
Arsenal ayaa sidoo kale suuqa ugu jirtay sidii ay weeraryahan kooxda loogu soo dari lahaay kooxda waxaa Bartilmaameed u ah xidiga kooxda Sporting Lisbon ee Viktor Gyokeres.
Gyokeres ayaa loo arka weeraryahanka xalin karo baahida Arsenal ee dhanka weerarka, xidigaan ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa lacag dhan €86M.
Shaxda Arsenal kulanka koowaad ee Premier League sidee ay noqon karta hadii la dhameystiro saxiixyada bartilmaameedka u ah kooxda.
Raya, White, Saliba, Gabriel, Calafiori, Merino, Rice Odegaard, Sak, Gyokeres, Martinelli.