🚨Waa Kuma Seddaxda Ciyaariyahan Ee Loo Arko Bedelka Saxda ah Emile Smith Rowe?

Emile Smith Rowe ayaa macsalaameeyay dhamaan kooxda Arsenal isaga oo dib ugu soo laabtay England si uu dhameytiro ku biirista kooxda Fulham.

Kadib 14 sano uu Emile Smith Rowe ku sugnaay kooxda Arsenal ayaa xagaagan ka tagi doono.

Rowe ayaa ah xidig mustaqbal ku leh kubada cagta wayihiiisa ciyaareed ee Arsenal badanaa waxaa la dersay dhaawac asigoo ka mid ahaay xidigihii ow so saaray macalin Unia Emry.

Bedelkiisa seddax xidig ayaa loo arka kuwaas oo si wacan u buuxin karo booska uu ka tagay.

          1- Mikel Merino 

Mikel Merino ayaa ah dooqa koowaad ee kooxda suuqa xagaagaan hadda diirada u saaran marka ey noqoto xidig qad-dhexe ah.

Mikel Merino ayaa ayaa loo arka saxiixa sedexaad ee kooxda Arsenal kadib David Raya oo si rasmi ah kooxda ugu biiray iyo Riccardo Calafiori oo asigana kooxda dhawaan ku soo biiray.

Mikel Arteta ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka Spanish-kan ayadoo asbuucyada soo socdo kooxda Real Sociedad dalab loo diri doono.

            2- Eberechi Eze 

Eberechi Eze waa mid ka mida xidigaha laga doonayo Emirates Stadium waxaana loo arka bedelka Emile Smith Rowe xidigaan ayaa kooxo badan xiiso ka helaayo, Arsenal kama marno kooxaha daneynaayo xidigaan, Liverpool ayaa ku jirto kooxaha xidigaan ow bartilmaameedka u yahay madaama laga soo diiday dalabkii ay Gordon ka gudbiyeen.

           3- Ethan Nwaneri 

Ethan Nwaneri waa hibo kale oo cajiiba oo ku sugan Emirates Stadium waxa uuna ku jiraa xidigaha qeybta ka ah isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee 2024-2025 kuwaaa oo ku sugan dalka USA Los Angeles.

Mikel Arteta ayaa Nwaneri ku War-geliyay inuu qayb muhiim ah ka yahay kooxdiisa wax badana laga filanaayo, xidigaan ayaa loo soo dalacsiiyay kooxda koowaad kadib bandhigiisa cajiibka ahaay ow ku so bandhiga U21 kooxda Arsenal.

Sedexdaan xidig kaliya maahan kuwa suuqa Arsenal lala xariiriyay marka laga reebo Ethan Nwaneri oo kooxdaba ku sugan waxaa sidoo kale jiro xidigo kale oo aya macquul tahay in kooxda lagu soo daro.

Labada xidig Fabian Ruiz iyo Dani Olmo ayaa bartilmaameed u ah kooxda Arsenal balse looma badinaayo midkood inuu kooxda xagaagan ku soo biiri doono.

Fikirkaga noogu reeb dhanka hoose ee Faalada.

Post a Comment

Previous Post Next Post