Arsenal Oo Weeraryahan Heshiiska shaqsiga La Gaartay Waa Kuma ? Edu Iyo Arteta Oo Dhamaystiri Doono boosaska Kooxdu Ay U baahan tahay.

Arsenal ayaa Isbedel muuqdo ka sameyneyso suuqa kala iibsiga ee xagaagan kadib markii ay la so wareegeen saxiixyo tayo sare leh kuwaas oo kooxda ku haboon loona arkay xalka kooxda boosaska ay u baahneyd.

Arsenal suuqa xagaagaan yaa ku soo biiray?

                1- David Raya

David Raya ayaa hal sano oo amaah ah kooxda Arsenal la qaatay waxa uuna soo bandhigay qaab ciyaareed cajiiba taas oo sababtay heshiiskiisa rasmi laga dhigo. 

Raya ayaa sanad ka hor kooxda Arsenal uga soo biiray Brentford heshiis hal sano oo amaah waxa uuna so bandhigay qaab ciyaareed kooxda iyo taageerayaasha ay ku qancaan.

Raya ayaa noqday dooqa koowaad ee macalin Mikel Arteta waxa uuna kursiga keydka u dhaadhiciyay gool-haye Aron Ramsdle kaaso oo hore u ahaay dooqa koowaad.

David Raya ayaa noqday gool-hayaha ugu shabaq ilaalsashada badnaay horyaalka Premier League taas oo sababtay in Mikel Arteta ow u arkay in heshiiskiisa rasmi laga dhigo sidaas darteed Arsenal ayaa €27M oo genni kagala soo wareegtay kooxda Brentford waxa uuna sidaas ku noqday saxiixii ugu horeeyay ay Arsenal suuqa xagaagaan ay sameysay.

             2- Riccardo Calafiori 

Riccardo Calafiori ayaa noqday saxiixii labada ee kooxda Arsenal suuqa xagaagaan waxa uuna kaga soo biiray kooxda Blogna qiimo dhan €40M oo genni oo dib looga dari doono lacago gunno oo ah €5M oo genni.

Arsenal ayaa bar-tilmaameedkeeda koowaad suuqa xagaagaan ka dhigatay daafac maadaama kooxda ay u baahaneyd hal ciyaaryahan oo difaac ah kaas oo labo boos ciyaari karo.

Calafiori ayaa qaab-ciyaareed fiican ku so bandhigay tartanki Euro 22024 iyo kooxdiisi hore ee Blogna asigoo u horseeday iney u soo baxaan tartanka xiisaha iyo xamaasada badan ee UEFA CHAMPIONS LEAGUE-GA.

Riccardo Calafiori ayaa awood u leh inuu ka ciyaaro labo boos oo kala ah ( CB ) daafaca dhexe iyo ( LB ) daafaca bidix oo ay kooxda aad ugu baahneyd marka loo eego in xilli ciyaareedkii hore kooxda laga dhaliyay booskaas madaama Zinchenko ow ku liito dhanka difaacashada.

Calafiori ayaa ku ciyaaro lugta bidixeed hadii loo baahdo waxa uu buuxin karaa booska Gabriel Magalhaes inkastoo booskaas Arsenal aysan baahi u qabin maadaama uu js fahan fiican ka dhexeeyo William Saliba iyo Gabriel Magalhaes.

Imaanshaha Calafiori ee kooxda Arsenal waxaa qeyb-weyn ka qaadatay xidiga reer Italy ee Jorginho wallow xidiga ow asigaba doonaaye kooxda Arsenal.

                  3- Mikel Merino 

Ku guuleystaha tartanka Euro 2024 Mikel Merino ayaa ahaay bar-tilmaameedka qadka-dhexe oo aya kooxda maalmihii danbe aya daba joogtay.

Mikel Arteta ayaa la dhacsanaay qaab-ciyaareedka Mikel Merino xiisaha ay kooxda Arsenal u qabtay ayaa ahaay mid dhaba.

Merino ayaa ah xiddiga kaliya ee sameeyay 300 Duels iyo ka bdan waana xidiga ugu badnaa sameeyay Europe waana xidiga sameeyay 168 Duels oo lagu guuleystay xili ciyaareedka la so dhaafay.

Tani maxay ka dhigan tahay odhaah ayaa jirto uu hadda ka hor Mikel Arteta dhahay oo aheyd If you loose a duel I am upset ee uu kala jeeday hadii ad ku guul-dareysatid kubadaha lagu loolamo ima farxda gelinayso yacni aad ayaa uga murgaa.

Mikel Arteta ayaa daneynaayay xidig ceynkaan oo kale oo ku fiican kubadaha lagu loolamo taasina wa mid karti iyo geesinimo u baahan.

Arsenal ayaa goor horeba xidiga la gaartay heshiiskiisa shaqsiga ah waxa uuna la gaaray heshiiska ku eg ilaa sanadda 2028.

Ugu dambeyntii kooxda Arsenal iyo Real Sociedad ayaa ka heshiiyay saxiixii Mikel Merino qiimo dhan €30M oo genni.

Sida la ogyahay Mikel Merino waxaa doonaysay kooxda Barcelona heshiis ayuuna la gaaray balse Arteta ayaa so wacay Mikel Merino wax walbana la dhaadhiciyay kuna qanciyay mashruuca kooxda Arsenal maalmaha soo aadan ayaana lagu dhawaaqi dooona asigoo noqon doono saxiixii seddaxaad ee kooxda Arsenal suuqa xagaagaan.

                  4- Nico Williams 

Kooxda Arsenal wey xiiseyneysa Nico Williams balse waxa ay loolan adag kala kulmayaan kooxda Barcelona oo la tacaaleyso xaalad dhaqaale xumo.

Williams ayaa awood u leh inuu ciyaaro labada garbood ee weerarka  ( LW ) garabka bixdix iyo ( RW ) garabka midig taas oo xal u noqon karto daalka Bukayo saka iyo hoos u dhaca ku yimid bandhiga Gabriel Martinelli.

Nico Williams ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa ku dhowaad €50M oo genni.

               5- Viktor Gyokeres 

Arsenal ayaa xiiso u miijineyso Viktor Gyokeres si uu xal ugu noqdo weerarka kooxda Arsenal, hadii uu Nketiah kooxda ka baxo waxaa macquul ah in Weeraryahan kooxda lagu soo daro Viktor Gyokeres.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay heshiiska shaqsi ah la gaartay weeraryahanka Sporting CP ee Viktor Gyokeres .

 Gunners ayaa lagu wadaa inay kor u qaaddo doorkeeda weerarka xagaagan, iyadoo Gyokeres uu u yahay bartilmaameedka koowaad.

Talaabada xigta ee Gunners ayaa ah inayKooxda Sporting CP ay kala xaajooto qiimaha xidiga kaasoo lagu soo waramaayo inuu yahay ku dhawaad ​​80 milyan oo Yuuro.

Halyeeyada Kooxda Arsenal iyo falanqeeyaasha ayaa qabaan in kooxda ay waajib ku tahay in soo xera-geliyaan weeraryahan heer sare ah kaas oo xilli ciyaareedkii dhalin karo 30 goal iyo ka badan.

Kai Havertz ayaa ah No 9-ka Kooxda Arsenal Edu Gaspar iyo Mikel Arteta xalka aya ka gaadhaan maalmaha soo socdo ayaa la ogaan doonaa iyada oo suuqa kala iibsiga ow waqti fiican ka hadhsanyahay.


Fikirkaga noogu reeb dhanka hoose ee Faalada.


Post a Comment

Previous Post Next Post