Ku guuleystaha tartanka Euro 2024 Mikel Merino ayaa ahaay bar-tilmaameedka qadka-dhexe oo aya kooxda maalmihii danbe aya daba joogtay.
Mikel Arteta ayaa la dhacsanaay qaab-ciyaareedka Mikel Merino xiisaha ay kooxda Arsenal u qabtay ayaa ahaay mid dhaba.
Merino ayaa ah xiddiga kaliya ee sameeyay 300 Duels iyo ka bdan waana xidiga ugu badnaa ee sameeyay Europe oo dhan sidoo kale waa xidiga sameeyay 168 Duels oo lagu guuleystay xili ciyaareedka la so dhaafay.
Tani maxay ka dhigan tahay odhaah ayaa jirto uu hadda ka hor Mikel Arteta dhahay oo aheyd
🗣"If you loose a duel I am upset" ee uu kala jeeday hadii ad ku guul-dareysatid kubadaha lagu loolamo ima farxda gelinayso yacni aad ayaa uga murgaa.
Mikel Arteta ayaa daneynaayay xidig ceynkaan oo kale oo ku fiican kubadaha lagu loolamo taasina wa mid karti iyo geesinimo u baahan.
Arsenal ayaa goor horeba xidiga la gaartay heshiiskiisa shaqsiga ah waxa uuna la gaaray heshiiska ku eg ilaa sanadda 2028.
Ugu dambeyntii kooxda Arsenal iyo Real Sociedad ayaa ka heshiiyay saxiixii Mikel Merino qiimo dhan €17M oo genni.
Qiimaha labada kooxood ay ku heshiiyeen marka la eego so fudud waxaa loo odhan karaa Real Sociedad waa la dhacay marka loo eego tayada xidiga ow leeyahay.
Faah-faahintii u danbeysay ayaa lawada meel dhigayaa kadib Mikel Merino ayaa London u soo duuli doono si uu tijaabada caafimaad ugu maro kooxda Arsenal.
Sida la ogyahay Mikel Merino waxaa doonaysay kooxda Barcelona heshiis ayuuna la gaaray.
Balse Arteta ayaa so wacay wax walbana ka dhaadhiciyay kuna qanciyay mashruuca kooxda Arsenal maalmaha soo aadan ayaana lagu dhawaaqi dooona asigoo noqon doono saxiixii seddaxaad ee kooxda Arsenal suuqa xagaagaan.
Fikirkaga noogu reeb dhanka hoose ee Faalada.