Maanta Maxaa Ka Cusub Kooxda Arsenal🔴⚪️.

                            Mikel Merino

Arsenal iyo Real Sociedad ayaa dhamaystiraya heshiiska Mikel Merino.🇪🇸

Real Sociedad ayaa ku adkeysaneysa qiimaheeda oo ah €35M. 

Mikel Merino ayaa laga saaray kooxda Real Sociedad kulankooda furitaanka ee horyaalka La Liga.

Heshiiska aad buu u dhow yahay⏳🔴⚪️.

Arsenal ayaa qorsheysay in Mikel Merino uu tijaabada caafimaad u maro asbuucaan.

                      Reiss Nelson 

Kooxda Kubadda Cagta Leicester City ayaa weli xiiseynayso garabka weerarka kooxda Arsenal ee Nelson.

Kooxo badan oo ka dhisan horyaalka Premier League ayaa xiiso u muujiyeen bilowga suuqa kala-iibsiga ee xagaagan waxaana ka mid ah kooxaha Westham iyo Crystal Palace.

                        Fabio Vieira 

Khadka dhexe ee kooxda Arsenal Fabio Vieira ayaa amaah lagu heli karaa suuqa xagaagan.

Imaashiyaha Mikel Merino iyo joogista Thomas Partey oo lagu daray soo dalacsiina Ethan Nwaneri ayaa macquul ka dhigeyso in xidigaan suuqa xagaagaan ow kooxda kaga baxo qaab amaah ah.

                       Eddie Nketiah 

Nketiah ayaa la filayaa suuqa xagaagaan inuu ka baxi doono kooxda Arsenal waxa uu xiiso ka helayaa kooxaha Marseille, Bournemouth kama marno kooxda Brentford.

Kooxda Marseille ayaa laga diiday dalab gaarayo €27M, kooxda Arsenal ayaa xidigaan ku doneyso qiimo dhan €30M-€35M.

Brentford wax qorshe ah kama damacsano bedelka Ivan Toney hadii uu baxo xagaagan.

Eddie Nketiah ayaa lala xariiriyay kooxda, qorshaha Brentford ayaa meeha ka sareyso u dhaqaaqista Nketiah.

🗣 Frank ayaa shaaca ka qaaday ka dib guushii ay ka gaareen Crystal Palace inay heystaan ​​xulashooyin cajiib ah oo ku filan, xitaa la'aantii Toney".

Maanta oo kale maxay kooxda uga dhigantahay

Maanta oo kale 2006-dii kooxda Arsenal ayaa ku ciyaartay Emirates Stadium kulanadeedii ugu horeeyay ee horyaalka.

Fikirkaga noogu reeb dhanka hoose ee Faalada.

Post a Comment

Previous Post Next Post