Maxaa Ka Cusub Kulanka Arsenal 🆚 Bayern Leverkusen & Seddexda Sababood Ee Kulanka Loo Daawan Karo.

Arsenal ayaa caawa wajihi doonto kooxda Germany ka dhisan ee Bayern Leverkusen kulan ka tirsan kulmada Friendly-ga.

Waa maxay seddexda sababood ee ciyaarta cawada  loo daawan karo.

                 1- Granit Xhaka 

Xidigii hore kooxda Arsenal Granit Xhaka ayaa ku soo laaban doono Fly Emirates Stadium.

Granit Xhaka ayaa kooxda Arsenal iskaga tagay sanad ka hor asigoo kula guuleystay tartanka Bundesliga weliba kooxdiisa ay ka dhigtay Record cajiiba oo an horay looga sameyn horyaalka Germany ee Bundesliga kadib markii ay horyaalka qadeen ayagoo marna dhinicooda dhulka la dhigin ( Un-beaten) sidoo kale waxa uu kula guuleystay DF BOKOL-ka.

Waxa uu cawada wajihi doona asxaabtiisa hore oo ay waqti dhexda kooxda Arsenal ay lamaane ku ahaayeen sida Thomas Partey Martin ødegaard iyo Jorginho.

Granit Xhaka ayaa yidhi 🗣 "Marka aad koox 7 sano u ciyaarto hadana aad isla kooxda aad ku soo labanaeyso waa wax qaas ah".

🗣Waqti cajiiba ayaan ku so qaatay Arsenal welina so maalinle ah ayaa ula xarira Ciyaartoyda iyo shaqaalaha badankooxa ee kooxda.

                  2- Nethan Tella 

Nethan Tella ayaa sidoo kale kooxda Arsenal dib ugu soo laaban doono asigoo ku dhawaad 10 sano kooxda Arsenal waqti ku soo qaatay.

Asigoo 7 sano jir ah ayuu kooxda ku soo biiray waxaana xiligaas wehliyay xidagaha Eddie Nketiah iyo Joe willock waxa uu kooxda ka tagay sanaddii 2017.

Waxa uuna ku biiray kooxda Southampton asigoo asigoo lix sano ku qatay kadib waxa uu amaah ku aaday kooxda Burnley kadib waxa uu ku biiray kooxda Bayern Leverkusen uu hada ka tirsanyahay.

25-jirkaan ayaa kooxda Macalin Xavi Alonso door muhiima ka qaatay asigo Bundesliga dhaliyay 5 goal 24 kulan ow saftay.

Horay ayuu kooxda Arsenal u wajahaay asigoo ka tirsan kooxda Southampton.

Xidigaan ayaa yidhi🗣 "Kulanka Arbacada waxaan dareemaya inan gurigeyga imaanayo weli waxaan ahay taagere Arsenal ah mar walbo waan raadiyaa natiijooyinka kooxda Arsenal".

Sidoo kale Kai Havertz ayaa wajahaayo Kooxdiisii hore ee Bayern Leverkusen markik ugu horeysay.

            3- Riccardo Calafiori 

Riccardo Calafiori ayaa laga yaabaa inuu kulanka cawada ee Bayern Leverkusen ow noqdo kulankiisa ugu horeeyay uu kooxda Arsenal u ciyaaro.

Calafiori ayaa ayaa qeyb ka ahaay xidigaha USA ku ciyaaraayay kulamada saaxiibtinimo inkastoo gadaal ka soo gaaray balse kulankii Liverpool ma uusan ciyaarin.

Jurien Timber ayaa la shegay inuusan qeyb ka ahayn kooxda Cawada wajaheyso Bayern Leverkusen sidaa darteeda waxa macquul ah inuu cawada ciyaaro.

Maxaa ka cusub kulanka labada kooxood

Arsenal waxaa weli ka maqnaan doonaan labada xidig ee Tomiyasu iyo Tierney halka kooxda Bayern Leverkusen ay ciyaartoydooda dhammaan ay diyaar u yihiin kulanka aya Arsenal wajahayaan.

Kulanka caawad halkee ayuu ka dhici doonaa

Kulanka ayaa ka dhici doono Fly Emirates Stadium 🏟 kooxda Arsenal ayaa dib ugu so laabaneyso garoonkeda kadib 80 maalmood ay ka maqneyd kadib dhamaadkii Xilli ciyaareedkii soo dhammaaday.

Kulanka meeqo saac ayuu soo gali doona

Kulanka waxa uu soo gali doona saacada marka ay tahay 8:00 PM oo habeenimo dalka Somalia, halke UK ay saacadu markaas tahay 6:00PM.

Fikirkaga noogu reeb dhanka hoose ee Faalada.

Post a Comment

Previous Post Next Post