🚨Maxaa Ka Cusub Kulanka Arsenal 🆚 Lyon & Shaxaha La Filaaayo Labada Kooxood.

Kooxda Kubadda Cagta Arsenal ayaa soo dhaweyn doonto kooxda Olympique Lyonnais.

Kulanka ayaa kooxda Arsenal u ah kama dambeysta isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee 2024-2025.

Arsenal ayaa Emirates Cup qabato sand walbo intuusan furmin Xilli ciyaareedka Cusub iyadoo sanadkaan lagu cazuumay kooxda Bayern Leverkusen iyo Lyon.

Arsenal ayaa 4 -1 kaga adkaatay kooxda Leverkusen waxa ayan wajihi doontaa Lyon kama dambeysta cupka Emirates Cup.

Maxaa ka cusub Kooxda Arsenal?

Waxba iskama bedelin xaalada labada xidig ee kala ah Tomiyasu iyo Tierney ayaagoona dhawac ku seegi doono kulanka Olympique Lyonnais.

                           Jurrien Timber

Jurrien Timber ayaa la so warinayaa in dhaawac fudud ow so gaaray, Mikel Arteta ayaana sheegay in dhaawac yar ow jiro uma badno inuu ciyaari karo ayadoo laga taxadaryo xidig caafimaadkiisa.

                       Riccardo Calafiori

Calafiori ayaa lagu wadaa inuu ciyaaro kulankiisa ugu horeeyay ee kooxda Arsenal, Mikel Arteta ayaa sheegay in xiddiga ow safar ahaay owsan dooneyn inuu garoonka kula degdego.

Maxaa ka cusub kooxda Olympique Lyonnais.

                    Ainsley Maitland-Niles 

Ainsley Maitland-Niles ayaa ku soo noqon doono garoonka Fly Emirates asigoo qeyb ka ah xiddigaha kooxda Arsenal wajihi doono.

                     Alexandre Lacazette

Xiddigii hore ee Gunners Alexandre Lacazette ayaan wajihi karin kooxdiisa hore maadaama ow ku jiray xidigah France u ciyaaraayay Tartanka Olympics-ka 

Shaxda la filaayo in Arsenal ay ku soo gasho.

Raya, White, Saliba, Gabriel, Calafiori, Jorginho, Rice, Odegaard, Saka, Jesus, Martinelli.

Shaxda la filaayo in Lyon ay ku soo gasho.

Perri, Mata, Caleta-Car, Niakhate, Abner, Matic, Caqueret, Maitland-Niles, Benrahma, Mangala, Mikautadze.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa soo  gali doonta 4:00 PM galabnimo.

Kulanka ayaa lagu saadaaliyay in kooxda Arsenal ay 3-0 kaga badin doonto kooxda Olympique Lyonnais oo aya sidaas ku hanan doonto koobka Emirates Cup.


Fikirkaga noogu reeb dhanka hoose ee Faalada.






Post a Comment

Previous Post Next Post