Arsenal Oo Raadineyso Bedelka Edu, Sidoo Kale Arsenal Ayaa Liverpool Ka Afduuban Rabto Saxiixeeda Ugu Horeeyo Marka Uu Suuqa Furmo

Arsenal ayaa u dhaqaaqday agaasimaha kooxda kubbada cagta ee Paris Saint-Germain Luis Campos iyadoo kooxdu ay raadinayso bedelka Edu, sida ay wararku sheegayaan.

Arsenal ayaa xaqiijisay 4-tii Nofembar in Edu uu u gudbiyay is-casilaadiisa taas uu ku so af jaraayo waayihiisa agaasimanida isboortiga ee kooxda  Gunners.

5️⃣- sano uu joogay Emirates Stadium waxa uuna ka soo bilaaway agaasimaha farsamada ee kooxda ka hor inta aan la dalacsiin bishii November 2022.

Go'aankiisa uu kaga tagay kooxda Arsenal ayaa naxdin ku noqday qof walbo ow ku jiro tababaraha Gunners ee Mikel Arteta kaasoo xiriir wanaagsan la sameeyay agaasimaha reer Brazil si loo dhiso koox awood u leh inay u tartanto Horyaalka Premier League-ga.

Agaasimaha kooxda Real Sociedad ee Roberto Olabe ayaa ka mid ahaa dadka lala xiriirinayo iney noqdaan badalka Edu ee Arsenal.

Laakiin haatan Football Transfers ayaa sheegtay in ay la xiriireen musharaxa ay door bidayaan.

Warbixintu waxay ku adkaysanaysaa in Campos so dhisay kooxo ku guulaystay horyaalnimada dalkooda sida kooxda Monaco iyo Lille ka hor imaatinkiisii ​​​​ugu dambeeyay ee kooxda PSG.

Arsenal ayaa weli lala xariirinaya iney la wareegto agaasimayaal cusub iyagoo doonaayo iney ku bedeshaan Edu, kooxdu waxay qorsheyneysaa raadinta agaasime sports oo cusub.

Saxiixiisii ​​ugu horreeyay ayaa noqon kara weeraryahanka kooxda rer Germany Eintracht Frankfurt ee Omar Marmoush.

Iyadoo tababaraha Arsenal ee Arteta uu weli isha ku hayo weeraryahan dhexe oo cusub marka uu furmo suuqa soo aadan.

Xidigaan ayaa xiiso fara-badan kaga imaanayan kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Barcelona, Liverpool ayaa dooneyso iney ka dhigato bedelka Mohamed Salah hasa yeeshe Arsenal ayaa dooneyso iney ka afuubtaan kooxaha xidigaan danenayaan marka uu suuqa furmo.


              Fikirkaga noogu reeb dhanka hoose ee Faalada.

                                  Thanks ❤️


Post a Comment

Previous Post Next Post