Xidigaha Arsenal Diyaarka U Ah Kulanka Nottingham Forest & Kuwa Dhaawaca Ah Waqtiga Ay Soo Laabanayaan Oo La Ogaaday.

Ciyaartoyda Arsenal ayaa ka soo gudubtay fasaxii ugu dambeeyay ee caalamiga ah iyadoo aysan jirin dhaawacyo kale iyadoo kooxda Mikel Arteta ay raadineyso inay dib ugu soo laabato tartanka Horyaalka Premier League-ga.

Gunners ayaa u dhacday kaalinta afaraad ee kala sareynta, iyadoo 9️⃣ dhibcood ka hooseysa kooxda kaalinta 1️⃣-aad ku jirto ee Liverpool, ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen kooxda Chelsea taas oo sii kordhisay rikoorkooda guul la’aanta ah oo ay ku jiraan afar kulan oo Horyaalka ah.

Dhaawacyada ayaa kooda Arsenal ku ahaay walaac joogto ah laga soo bilaabo horraantii bishii Sebtember, markaas oo Martin Odegaard uu garoomada ka maqnaay wax ka badan laba bilood ka dib markii uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray isagoo u ciyaarayay xulkiisa Norway.

Bukayo Saka - ( dhaawac lugta ah )

Mikel Arteta ayaa qirtay dhaawacyada Saka iyo Declan Rice aanu fiicnayn ka dib markii labadoodaba laga saaray qeybtii labaad ee kulankii Chelsea. Labaduba waxa ay ka soo baxeen waajibaadkooda England, iyagoo ka mid ah 8️⃣ dhaawac ee guud ahaan ka baxay qarankaEngland, kuwaas dhaleeceyn kala kulmeen kabtan xulka England ee Harry Kane.

Si kastaba ha ahaatee warbixinda ayaa sheegayaan in Bukayo Saka uu taam u noqon doono inuu wajaho sabtida kooxda Nottingham Forest, isagoo awooday inuu bilaabo soo kabsashadiisa kadib bilowga fasaxa caalamiga.

Ka maqnaanshiyaha qasabka aheyd ee Bukayo Saka iyo Declan Rice xulkooda England ayaa aheyd taxadar kaliya kahor kulanka Emirates ee Nottingham Forest fiidnimada sabtida.

 Ben White - ( dhaawac jilibka ah )

Daafaca midig ayaa lagu wadaa inuu ka maqnaado kooxda Arsenal dhowr kulan ka dib markii qaliin yar oo jilibka ah lagu sameeyay intii lagu jiray ciyaaraha caalamiga ah.  

White  waxa uu ahaay dhaawac dhowr todobaad ka hor inta aan la gaarin go'aanka ah in qaliinka lagu sameeyo taas oo laga yaabo in 27-sano jirka uu garoomada ka maqnaado dhowr toddobaad.

Waxaana la filayaa in garoomada ow ka maqnaado inta ka dhiman sanadda 2024-ta.

 Leandro Trossard - ( lama yaqaan dhaawiciisa )

Mikel Arteta ayaa doonaayay in dhaawacyo kale ay kale aysan soo gaarin inta lagu guda jiro fasaxa caalamiga ah.

Laakiin Arsenal ayaa la soo deristay walaac wayn kadib markii Trossard uu dhaawac ka soo gaadhay qaybtii hore ee kulankii Belgium ay guuldarada 1-0 ah ka soo gaartay xulka Israel.  

Trossard oo looga baahnaa inuu ciyaaro kulamo xiriir maadaama kooxdu la dhibaatooneyso dhaawacyo soo gaaray.

Trossard waxa uu u baahnaan doonaa in la qiimeeyo ka hor dhamaadka todobaadkaan ka hor kulanka ay Arsenal la leedahay kooxda Forest.

 Riccardo Calafiori – ( dhaawac jilibka ah )

Daafaca ayaa ku haray London Colney si uu u sii wato ka soo kabashadiisa dhaawaciisa jilibka ah oo ka soo gaaray kulankii Shakhtar Donetsk bishii hore.  

Xidiga reer Italy kaasoo qaab wanaagsan ku bilowday noloshiisa kooxda Arsenal ayaa la filayaa inuu soo laabto kulanka Nottingham Forest isagoo dhiirigelin fiican ka helaayo Mikel Arteta.


Fikirkaga noogu reeb dhanka hoose ee Faalada.

                                   Thanks ❤️

 

1 Comments

Previous Post Next Post